Macluumaadka laga doonayo kiraystaha qandaraaska guriga haysta
Bixi kirada
Waxaad ku bixin kartaa kiradaada wadiiqooyinka soo socda:
- si toos ah lacag uga bixinta akoonkaaga/koontadaada bangi: wac 020 8357 4700 isla markaana dalbo foomka lacag ka bixinta tooska ah
- habka amridda: la xiriir bangigaaga adoo wata faahfaahinta bangigayaga iyo tixraaca lacag bixintaada lambarkeeda
- amaah ahaan ama ka bixin ahaan kaarka ah: wac lambarka taleefan ee ah 020 8357 4700 si aad lacag bixinta uga sameysid taleefan ku hadlid ahaan
- isticmaalista taleefan ku hadlidda ama bangi isticmaalka khadka tooska ah ee furan, ama lacag caddaan ah ka bixinta Bangiga Barclays Bank adoo isticmaalaya xaashidooda lacag shubista. Sheeg lambarka tixraaca lacag bixintaada.
- Jeeg ahaanta ama amarka boostada: ku qor cinwaankaaga iyo lambarka tixraac ee lacag bixintaada dhabarka dambe ee jeeg walba ama amarka boosto lacag ka shubista isla markaana ugu dir cinwaanka ah Notting Hill Housing, 1 Sussex Place, Hammersmith, W6 9EA. Lacag caddaan ah ha dirin.
Faahfaahinta bangigayaga
Bangiga: Barclays in Ealing
Magaca akoonka/koontada: Notting Hill Home Ownership
Koodhka uu leeyahay: 20-27-48
Nambarka akoonka/koontada: 10104361
Soo sheeg wixii dayactiris ah
Adiga ayaa mas'uul ka ah wixii dayactir gudaha gurigaaga ah ha noqdo falaad ama aqal dhan.
Haddii aad tahay kirayste qandaraas haysta oo ku nool falaad ay iska leedahay hadana ay maamusho hay'adda (Notting Hill Home Ownership) annaga ayaa dayactiri doonna goobaha dadka ka dhexeeya ee dhismahaaga ama guryahaas.
Waxaad soo gudbin kartaa dayactirista goobaha dadka ka dhexeeya xilliga laga bilaabo 9am ilaa 5pm, Isniinta ilaa Jimcaha, soona wac nambarkaan 020 8357 4444 ama e-mail ku soo dir cinwaanka ah leaseholdrepairs@nhhg.org.uk. Wixii dayactiris deg deg ah oo ka baxsan saacadahaan, wac 0845 603 0714.
Haddii aad ku nooshahay dhisme aysan lahayn ama aysan maamulin (NHHO) isla markaana aad u baahatid la xiriirista qandaraas hayahaaga xorta ah ama wakiilka maamula haddii goobaha bulshada ka dhexeeyaa u baahan yihiin dayactir.
Nabadgelyada Gaaska
Adiga ayaa mas'uuliyad kaa saaran tahay sugitaanka diiriyahaaga gaaska, qalabka cunno karsiga iyo alaabooyinku inay nabad yihiin. Mar haddii aad tahay kiraystaha qandaraaska leh waxaa lagaa doonayaa inaad iska bixisid baaritaanka nabadgelyada gaaska ee sanad walba.
Diyaarsiga adeegga, kala xiriir (CH Installations) taleefan nambarka ah 020 8752 8331. U sheeg in aad tahay milkiile guri ka tirsan (Notting Hill Housing) si aad adeegga ugu heshid £70 ama baaritaan nabadgelyada gaaska ah iyo shahaado qiimaheedu yahay £70 (qiimuhu waa £125 labadoodu).
Wixii macluumaad dheeri ah soo wac nambarka taleefan ee ah 020 8357 4573 ama 020 8357 4673 ama e-mail ku soo dir cinwaanka ah gassafety@nhhg.org.uk
Haddii gaas kuu soo uro
Haddii aad is leedahay gaas baa kuu soo uraya si dhakhso leh u wac Xakameynta Qaranka (National Grid) oo nambarka laga wacayaa yahay 0800 111 999.
Haddii gaas kuu soo uro:
- ka xidh gaaska mitirkaaga
- wada fur daaqadaha oo dhan
- HA daarin hana demin laydhadhka/nalalka, wixii qalab ah ama aaladaha kale ee korontada ku shaqeeya
- HA keensan waxyaabaha holca (sida kibriidka ama walcadaha sigaarka) gurigaaga gudihiisa.
Dabeecadaha kasoo horjeeda bulshada
Soo gudbinta dabeecadaha kasoo horjeeda bulshada kala xiriir Sarkaalkaaga Maareynta Guryaha.
Gadashada saamiyada badan ama iibinta gurigaaga
Wixii macluumaad dheeri ah oo ku saabsan saami badan ka gadashada gurigaaga ama iibinta gurigaaga nagala soo xiriir nambarka taleefan ee ah 020 8357 4444 ama e-mailka cinwaankiisu yahay sales@nhhg.org.uk
Macluumaadka dheeriga ah
Haddii aad haysid wax su'aalo kale ah la soo xiriir Sarkaalkaaga Maareynta Guryaha, ka soo wac xafiiskayaga taleefan nambarka ah 020 8357 4444 ama e-mail ugu soo dir cinwaanka ah leasehold@nhhg.org.uk. Waan kuu heli karnaa turjubaan haddii loo baahdo.